Today's Prayer Times
Kuma tusi karno waqtiga salaada oo sax ah.
CityMa naqaan!
Fajr04:40
Sunrise05:52
Dhuhr11:57
Asr15:21
Maghrib18:01
Isha19:10

Live Help/Live Chat
 
SU'AAL WEYDII
 
Radio Saajid
 
Qolka Daaru Cumar Faruuq
 
Islamic Links

Daarulcilimi Halgan Hiiraan Live Ilwareed Islamway IslamWeb Masjid Al-Rahma AZ Naasix Peace Tv Qolka 77 Quran Kariim Warqaad
 
Newsletter



  
              Dadkii Ugu soo horeeyay  Diinta Islaamka 
Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu wataacaalaa soosaaraymas'uuliyaddaa weynanka badan oo ah mid qof bini aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una baahan juhdi, dadaal iyo sabir



dadaal iyo sabir, waxa uu bilaabay u qumitaankeedii isagoo ka bilaabaya meeshii laga soo direy ee Makka oo ahayd xaruntii diinta ee carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii ku noolaana ahaayeen dad aad uga fog xaqa iyo islaamka. Wuxuu markaa Rasuulku SCW markii ugu horreysey dacwadii ku bilaabay si qarsoodi ah maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd haddii uu markii u horreysey kala dhex kici lahaa inay dhib u keeni lahayd dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka ah ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa inuu bilowgii dacwada qarsoodi u guto, waxayna dacwadu sidaa ku soo socotey saddex sano.

Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada ka bilaabay ehelkiis (gurigiisa), qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii ugu kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku yaqaanney isna lahaa wey ajiibayaan xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday dadkii ugu horreeyey ee islaamka qaatay xaaskiisii Khadiijo bintu Khuweylad, saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii Seyd binu Xaarith iyo ina adeerkiis Cali binu Abii-dhaalib oo wiil yar ahaa.

Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa nin magac iyo sharaf ka leh Makka dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah ayaa markuu xaqa qaatey waxa uu sameeyey habkii lagu yaqiin qofka daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa qaato uu naftiisa ku tadbiiqiyo dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu markaa Abuubakar dacwadii gaarsiiyey qaar ka mid ahaa saaxiibbadiisii uu ku kalsoonaa, waxaana isla markiiba dacwadiisii ku islaamay shan saxaabi oo Ilaahay diintiisa ku ciseeyey kana mid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyey, waxayna kala ahaayeen:

1. Cusmaan Binu Cafaan
2. Subyr binu Cawaama
3. Cabdiraxmaan binu Cawf
4. Sacad binu abii waqaas
5. Dalxa binu Cubeydillah


Ka dib waxaa ku soo xigsaday oo soo islaamay Bilaal binu Rabaaxa, Abuu Cubeyda Caamir ibnu Jarraax, Abuu Salama binu Cabdilasa, Arqaam ibnu abii Arqam, Cusmaan binu Madcuum iyo laba walaalihiis ah Quddaama iyo Cabdullaahi, Cubeyda binu Xaarith binu Mudhalib, Siciid binu Seyd iyo xaasikiisii Faadumo bintu Khadaab (Cumar binu Khadhaab walaalishiis), Khabaab ibnul-arat, Cabdullaahi binu Mascuud iyo kuwo kale waxaa uuna ibnu Haashim gaarsiiyey illaa 40 qof. Intaasoo dhan waxay ahaayeen dadkii islaamka ugu horreeyey, dabadeedna qof ayaa loo soo gelayey ilaa uu
islaamkii magaaladii Makka ku fidey o lagu sheekeystey.

Odeyaashii qureysheed markii ay maqleen arrinkaas dan kama gelin oo waxay iska dhaadhiciyeen in Maxammed raacay diin ka mid ah diimihii jirey sidii markaa ka horba ay niman qureysh ka mid ahi u raaceen diimihii kale, laakin markay maqleen in dad badani Nabi Maxammed raaceen, maalin walbana ay sii siyaadayaan ayay baraarugeen hase yeeshee tallaabo weyn ma aysan qaadin saddexdii sano ee dacwadu qarsoodiga ahayd.

Allena Wuu ku najixiyay Waayo Allah Wuxuu doono ayaa dhaca Cidna kama horistaagi karto.
Allena wuu ku cizeyaa diinta qofkii qaata ki kalena waa lagu duleyaa, Alle waxan ka baryayaa inuu nagu anfaco kuwi wax ku qaato naga dhigo. Amiin
Aug 22 2011, 14:54 PM  |Qore: Saajid |   Email: info@saajidshow.net | 

Comments (0):

Add Your Comment

Live Video Duruus
kala Soco Live
Weynayso shaashada

Saajidshow youtube

Articles
10kii Saxabo janada…
Ummu Salama Iyo…
Masaa 39 ilul…
Qisadi ZamZam ka Iyo…
Siraadkii Geerida…
Dadkii Diinta Ugu soo…
Al-Qawacid Arbaca…
Bini aadmka iyo qaabka…
Kitaab…
Horudhac Sheekaooyinka…
Taariikhda Somaliya Iyo…
Uurdoox Mashruuca…
Reer Saalax iyo…
SOOMAALI-WAYN…
QORAALLADII QUMRAAN
SOOMAALI-WAYN…
Musaabaqo Siirada Nabiga…
Heerrarka Caqliyada…
Garaadso Intaadan…
Garaadso Intaadan…
Maymuunah bintul Xaarith…
Time is Life

May 2013
Jamadil Akhir -Rajab 1434
S M T W T F S
  1
20
2
21
3
22
4
23
5
24
6
25
7
26
8
27
9
28
10
29
11
1
12
2
13
3
14
4
15
5
16
6
17
7
18
8
19
9
20
10
21
11
22
12
23
13
24
14
25
15
26
16
27
17
28
18
29
19
30
20
31
21
 

Copyright©saajidshow.net