Today's Prayer Times
Country: United States
City
Fajr09:27
Sunrise11:14
Dhuhr18:25
Asr22:17
Maghrib13:35
Isha15:16

Live Help/Live Chat
 
SU'AAL WEYDII
 
Radio Saajid
 
Qolka Daaru Cumar Faruuq
 
Islamic Links

Daarulcilimi Halgan Hiiraan Live Ilwareed Islamway IslamWeb Masjid Al-Rahma AZ Naasix Peace Tv Qolka 77 Quran Kariim Warqaad
 
Newsletter



  

Taariikh ahaan dadka soomaalida waxaa lagu sifeeyaa inay ahaan jireen dad reer guuraa ah, safarka iyo socodka waa dad u adkeesi badan, waxayna soomaalidii hore socon jireen safar boqolaal killo mitir ah, waxayna ahaayeen xoolo dhaqato,safarkii sidaas ahaa waxuu saameeyay dhalintii magaalada, waana mida ku dhiira gelisay inay naftooda halis geliyaan oo ay gallaan safar masaafo fog oo naf la cararsi ay ku jirto.

Hadaba aan dib ugu soo laabto maqaalkan aan cinwaanka uga dhigay “Siraadkii geerida, Safarka Tahriibka ee sudan”.

dhalinta soomaaliyeed waxay sanadihii u danbeeyay ay u bateen dad socoto ah, safar un heegan u ah, waxay goobayaan nolol ka duwan noloshoodii hore, maadaama uu dalka soomaaliya ka soconayo dagaal aan la ogeyn halka uu ku dhamaan doono, laakiin aysan iminka muuqaan saadaal nabadeed oo la hiigsan karo.

Xikmada laga dhaxlay soomaalidii hore ayaa oraneesa “ Dhalinyaro waxay talo ka boodaan inta ay geed ka boodaan” waxaa taasi markhaati u ah in dhalinyaradu ay naftooda ku biimeeyaan safar tahriib ah oo maalin walba dhibaatooyinka ka dhasha ay warbaahinta caalamiga iyo tan maxaligaba ay ka dhageestaan. 

Sudan waxaa ku nool kumannaan qof oo soomaali ah, waxayna dadkaasi intooda badan yihiin arday jaamacado ka dhigta,iyadoo ay sidoo kale jiraan qoysas tiro yar oo degan sudan,waxayna sudan noqotay yoolka ugu badan oo ay soo hiigsadaan soomaali tahriibayaal ah waan halka ay ku qorsheestaan safarka dheer ee ay wajahayaan.

Socotada soomaalida ee tahriibaya marka ay yimaadaan Khartoum oo caasimad u ah Sudan waxa ay beegsadaan ama ay baadi goobaan qof ay ehel wadaag yihiin ama asaxaab hore ahaayeen oo arday ka ah Khartoum,maalmo nasiino ah dabadeed waxuu gallaa raadinta halka uu ka helayo mukhalaska qaadayo ee ku simayo halka uu doonayo.

Dhalinyarada arday ka ah Khartuum awoodooda ugu badan waxay ku kooban tahay in saaxiibadood ay kula taliyaan inay ka digtoonaadaan Safarka geerida ee tahriibka, waxayna ku dhiirigeliyaan inay jaamacado billaabaan,lkn way yar tahay taladaasi cid ka qaadata. 

Tahriibayaasha marka ay yimaadeen Khartuum waa laga badalaa magaca tahriibe, waxaana dhalinta ardayda ah ay ugu yeeraan magac sireed ay isla fahmayaan waa magaca “Baciid”, waxaana la yiraahdaan “ Hebel arday ma,ahee waa baciid” waa kalimad ay adag tahay inuu fahmo qofka tahriibaha ah. 

Ardayda khartuum ku sugan kuligood kuma koobna daraasad jaamacada oo qaarkooda ayaa kaalin weyn ka qaata tahriibinta dhalinyarada ee soomaaliya ka soo hayaamaya,waxayn isku xiraan tahriibayaasha soomaalida iyo mukhalasiinta ajnabiga ah iyagoo u kala turjumaanaya,waxay u kala wareejiyaan lacagaha,waxaana la sheegaa in halkii qof laga qaado lacag gaareeso 1200 illaa 1500 jineha Sudan ah una dhiganta 400 —500 $ dollarka mareynka, halkaas waxaa ka billaabanaya safar geeri iyo nolol u dhaxeeyo, qofkii aad garaneesay ee tahriibayay waxuu kuu safar salaameenayaa isaga oo cabsanaya, waxuuna kuula dardarmaayaa sida shaqsi og inuu dhimanayo, waxaana tahriibayaasha marka ay safrayaan ku celceliyaan “ Saaxiboow ii soo ducee Qatar ayaa isugeeso inaan ka gudbee” qaarkood baa kugu dul ooyayo illaa aad ku sigatid ama aad gaartid inaad la oysid, waa shaqsi aad arkeesid inuu dhimasho wajahayo hadana aadan celin Karin oo aan hadal kaa dhageesaneen.  

Waxay magaalada khartuum ay ka baxayaan iyagoo dhuumasho ah, waxayna iska illaaliyaa ciidanka nabad gelyada ee Sudan oo ku dadaala sidii ay u hakin lahaayeen tahriibka.

Masaafo aad u fog ayey ku safrayaan, Saxaro ah oo aan cidi ku nooleyn, Qorax kulul oo aan Geed lagu harsado laheyn,Bacaad ah oo aan la awoodin in lagu socdo,iyadoo dhibkaasi oo dhan uu jiro ayeysan hadana si nabad qab ku safreenin, waxay raacaan gaadiid aan tayo badneen,awood badan aan u laheyn inuu ka baxo bacaadka,waxaa la sheegaa xiliga habeenkii gaadiidka ay tahriibayaasha raacaan inuu socdo isaga oo leerasha araga ay u dansan yihiin, sababtuna waxaa weeye iyaga oo ka cabsanaya inay gacanta ku dhigaan ciidanka la dagaalanka tahriibayaasha ee dowlada sudan. 

Safar maalmo qaatay ka dib waxaa suuragal ah tahriibayaasha inaysan wali gaarin halkii ay ku wajahnayeen oo ah inay u tallabaan gudaha Libiya, Sahayda ayaa ka go,do, gaariga ay saran yihiin ayaa laga tuura mararka qaar amaba ka carara xiliyada habeenkii, waxayna taasi sabab u noqotaa geerida tahriibihii dhiirinaa kuna haminayay nolol cusub, maalmo dabadeed waxaa la maqlaa labo war oo mar walba la fisho waxayna kala yihiin, Hebel Saxaraha ayuu ku dhintay waana laga tagay meydiisa ,ama Libiya ayuu galay. 

Marka ay tahriibayaasha Libiya gaaraan waxay u qeybsamaan labo qolo, qolo ayaa xabsi si hal haleel ah u gasha oo waxay gacanta u galaan kooxaha kacdoonka ama ciidamada Qadafi, qolada kale waxaa gacanta ku dhiga Mukhalas kale oo soomaalida sudan ay u yaqaanaa “ Magafe” waxuuna ka qaataa lacag kale oo la sheego inay gaareeso 600$ Dollarka mareynka, halkaasi waxaa mar kale uga bilowda safar hor leh, waxayna Caasimada Libiya ka raacaan Dooni si ay ugu gallaan jasiiradaha ku xeen daaban Wadanka Talyaaniga.

Dhalinyaradii tahriibayay ee boqolaal gaarayay waxaa si bad qab ah uu safarkooda ku dhamaadaa inyar oo ka mid boqollaalkii mar qura tahriibay,qaarka ugu badan waxay geeriyoodaan iyaga oo aan meydkooda la aaseenin inta safarka ay ku gudo jiraan, qaarka kalena xabsi ayey gallaan marka eheladooda ay la hadlaana waxay ka shalaayaa sidii ay ugu dagdageen safarka tahriibka ee inbadan lagala taliyay “ Shalay waa shey Xaaraam ah.”

Hadaba iyada oo safarka tahriibka uu sidaasi yahay ayaa wali waxaa muuqaneeso dhalinta soomaalida inay ku soo qulqulayaan Sudan si ay Tahriib u galan. 

 

W/Q Maxamed Axmed Caaqil yare, Khartoum-Sudan.

caaqilsos@hotmail.com

Aug 22 2011, 15:22 PM  |Qore: By Maxamed Axmed Caaqil yare. |   Email: info@saajidshow.net | 

Comments (0):

Add Your Comment

Live Video Duruus
kala Soco Live
Weynayso shaashada

Saajidshow youtube

Articles
10kii Saxabo janada…
Ummu Salama Iyo…
Masaa 39 ilul…
Qisadi ZamZam ka Iyo…
Siraadkii Geerida…
Dadkii Diinta Ugu soo…
Al-Qawacid Arbaca…
Bini aadmka iyo qaabka…
Kitaab…
Horudhac Sheekaooyinka…
Taariikhda Somaliya Iyo…
Uurdoox Mashruuca…
Reer Saalax iyo…
SOOMAALI-WAYN…
QORAALLADII QUMRAAN
SOOMAALI-WAYN…
Musaabaqo Siirada Nabiga…
Heerrarka Caqliyada…
Garaadso Intaadan…
Garaadso Intaadan…
Maymuunah bintul Xaarith…
Time is Life

May 2013
Jamadil Akhir -Rajab 1434
S M T W T F S
  1
20
2
21
3
22
4
23
5
24
6
25
7
26
8
27
9
28
10
29
11
1
12
2
13
3
14
4
15
5
16
6
17
7
18
8
19
9
20
10
21
11
22
12
23
13
24
14
25
15
26
16
27
17
28
18
29
19
30
20
31
21
 

Copyright©saajidshow.net