Today's Prayer Times
Country: United States
City
Fajr09:27
Sunrise11:14
Dhuhr18:25
Asr22:17
Maghrib13:35
Isha15:16

Live Help/Live Chat
 
SU'AAL WEYDII
 
Radio Saajid
 
Qolka Daaru Cumar Faruuq
 
Islamic Links

Daarulcilimi Halgan Hiiraan Live Ilwareed Islamway IslamWeb Masjid Al-Rahma AZ Naasix Peace Tv Qolka 77 Quran Kariim Warqaad
 
Newsletter



  

 

نواقض الإسلام

للإمام محمد بن عبد الوهاب رحمه الله تعالى

وترجمة معانيه إلى اللغة الصومالية

 

بقلم

محمد أدم إبراهيم  }شاكر{

Shaakir123@hotmail.com

 

 

 

            قال شيخ محمد بن عبد الوهاب ـ رحمه الله ـ :

Wuxuu yiri Sheekh Muxammed Binu Cabdil-Wahaab Allaah ha u naxariistee-:   

 

اعلم أن نواقض الإسلام عشرة .

ogoow in wax yaabaha buriya Islaamka ay yihiin tobon (arimood waa markii la soo koobo ama inta ugu waa yeen ee laf dhabarka u ah gaalnimada balse way ka badan yihiin inta uu Sheekha Kitaabkaan ku sheegay).

الأول : الشرك في عبادة الله تعالى ,

Midka hore waa : Shirkiga (la wadaajinta) Cibaadada Allaah kor ahaayee (oo cid kale lala wadaajiyo),

﴿ إِنَّ اللّهَ لاَ يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِ

{Allaah ma dhaafo in wax lala wadaajiyo

 وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَن يَشَاءُ ﴾ [النساء: 116].

{Wuuse u dhaafaa wixii intaasi (Shirkiga) ka soo hara ciduu doono } An-nisaa Aayada 116.

 

وقال تعالى : }إنه من يشرك بالله

Allaah koreeyee wuxuu yiri: { arinku wuxu yahay in Qofkii Allaah u shariik yeela (wax la wadaajiya cibaadadiisa)

فقد حرم الله عليه الجنه ومأواه النار

Dhab ahaantii Allaah wuxuu ka xarimay qofkaasi Jannada Hooygiisana (meesha u dambeesa) waa Naarta

وما للظالمين من أنصار { المائدة (آية:72

kuwa Daalimiinta ahna (kuwa gardarooday) uma sugaanin (oo ma lahan) Cid u gar gaarta (u hiilisa)} Al-ma'ida :72

ومنه الذبح لغير الله

Shirkiga waxaa ka mid ah Gawraca wax loo gawraco Cid aan Allaah ahayn

كمن يذبح للجن أو للقبر.

sida Cida u gawracda Jinka ama Qabriga.

 الثاني : من جعل بينه وبين الله وسائط يدعوهم ويسألهم الشفاعة ,

Midka labaad waa: Ruuxa yeela (sameeya) inta ka dhaxeesa Asiga iyo Allaah Cid u dhaxeesa (makhluuq la sii maro) oo uu baryaayo waydiisanaayana Shafaacada,

ويتوكل عليهم

Taladana saarta kuwa uu wasaa'idta ka dhigtay dushooda (qofka sidaasi sameeya oo inta u dhaxeesa Asiga iyo Allaah yeela cid u dhaxeesa qofkaasi)

كفر إجماعا .

wuu gaaloobay sida lagu kulmay (sida ijmaaca ah oo muran la'aanta ah oo aan khilaaf ka jirin).

 الثالث : من لم يكفر المشركين أو شك في كفرهم ,

Midka sedexaad waa : Qofkii aanan gaaleesiinin Mushrikiinta ama ka shakiya gaalnimadooda (Gaalnimada Mushrikiinta),

أو صحح مذهبهم كفر .

ama sax ka dhiga waxa ay ku tageen ( u qiil daya dhaqanka gaalada rumeesan yihiin, qofkaas) wuu gaaloobay.

 الرابع : من اعتقد

Midka afaraad waa : qofkii ictiqaada (rumeeya)

أن غير هدي النبي صلى الله عليه وسلم أكمل من هديه

in mid aan ahayn Dhaqanka Nabiga scw uu ka kaamilsan yahay Dhaqankii Nabiga scw (dhaqan aan ahayn dhaqankii uu la yimid Nabiga scw qofkii rumeeya inuu fiican yahay ama uu ka fiican yahay sunnada Nabiga scw)

وأن حكم غيره أحسن من حكمه

iyo xukun aan ahayn Xukunka Nabiga scw (la yimid) uu ka fiican yahay Xukunka Nabiga scw ( yacnii xukunka kale qofkii u arka inuu ka fiican yahay xukunkii uu Nabiga scw xaga Allaah kala yimid)

كالذي يفضل حكم الطواغيت على حكمه

sida qofka xukunka Daaguutka (xukunka aan xukunka Allaah ahayn) ka fadila (ka door bida, ka fiicneesiiya ama inuu ka fiican yahay u arka) xukunka Nabiga scw (la yimid)

فهو كافر .

qofkaasi (qofka xukunka daaguutka ka hor mariya xukunka Rabi ) waa Gaal.   

الخامس : من أبغض شيئا مما جاء به الرسول صلى الله عليه وسلم ,

Midka shanaad waa : qofkii ka carooda (naca, kohda) wax ka mid ah wuxuu la yimid Rasuulka scw,

ولو عمل به كفر .

haba ku camal falo (haba ku dhaqmo) waxaasi (uu qofku kahday) wuu gaaloobay (qofkaasi).

السادس : من استهزأ بشي من دين الرسول صلى الله عليه وسلم

Midka lexaad waa : Qofkii ku jees jeesa (quursada, dhayalsada) wax ka mid ah Diinka Rasuulka scw (la yimid)

أو ثوابه أو عقابه كفر ,

ama Abaal marintiisa (abaal marinta Diinta lagu sheegay) ama Ciqaabtiisa (ciqaabta Diinta lagu sheegay qofkii dhayal sada ama ku jees jeesa qofkaasi), wuu gaaloobay

والدليل قوله تعالى :

Daliilkana waa Qowlkii Allaah koreeyee:

(( قُلْ أَبِاللَّهِ وَآيَاتِهِ وَرَسُولِهِ كُنتُمْ تَسْتَهْزِئُونَ *

{ waxaad tiraahdaa (Nabiyow) ma Allaah iyo Aayaatkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad aheeydeen kuwo ku jees jeesa*

لا تَعْتَذِرُوا قَدْ كَفَرْتُمْ بَعْدَ إِيمَانِكُمْ{  .

ha cudur daaranina waxaad gaaloowdeen Rumeentiisa ka dib}.

السابع : السحر ومنه الصرف والعطف ,

Midka todobaad waa : Sixirka waxaana ka mid ah leexinta (Dad is jecel ama wax isugu dar san yahay oo lakala leexiyo la iskuna diro iyadoo sixir la adeegsanaayo) iyo isku soo celinta (sida madiidada waxa la  yiraahdo iwm),

فمن فعله أو رضي به كفر ,

qofkii sameeya sixirka ama raali ku noqda sixirka wuu gaaloobay (qofkaasi),

والدليل قوله تعالى :

Daliilkana waa qawlkii Allaah koreeyee:

(( وما يعلمان من أحد حتى يقولا

{ qofna ma aysan bareenin (Haaruut iyo Maaruut sixirka) ilaa ay ka yiraahdaan

إنما نحن فتنة فلا تكفر )) .

Anagu wax aan imtixaan ahayn ma nihin (Imtixaan ayaynu nahnay) ee ha gaaloobin).

الثامن : مظاهرة المشركين ومعاونتهم على المسلمين

Midka sideedaat waa : Mushrikiinta (Gaalada) oo la caawiyo loogana kaalmeeyo (looga gar gaaro ama looga hiiliyo) Muslimiinta (yacnii safka gaalada oo la maro iyadoo ay gaalo iyo muslimiin is hayaan, gaalnimo ayay keentaa arintaan qofkii sameeyana waa gaal),

والدليل قوله تعالى : (( ومن يتولهم منكم فأنه منهم

Daliilkana waa Qawlkii Allaah kor ahaayee: { Qofkii gacal  (sukeeyo) ka dhigta (gaalada) ee adinka idinka mid ah qofkaasi ayaga (gaalada) ayuu ka mid yahay (waa gaal),

إن الله لا يهدي القوم الظالمين )) .

Allaah ma hanuuniyo qoom daalimiin ah (gaalo ah)}.

التاسع : من اعتقد أن بعض الناس

Mida sagaalaad waa : qofkii icqtiqaada (rumeeya / aamina / iska dhaadhiciya) in Dadka barkood

يسعه الخروج عن شريعة محمد صلى الله عليه وسلم

ay u waasac noqoneeso (u banaantahay) ka bixitaanka laga baxo Shariicada Nabi Muxammed scw (la yimid)

كما وسع الخضر

sidii ay ugu waasac noqotay (ugu banaanaatay , ugu suuragashay) Khadar oo kale

الخروج عن شريعة موسى عليه السلام فهو كافر .

ka bixitaankii uu ka baxay Shariicadii uu (Nabi) Muuse cs (la yimid) (qofka sidaasi aamina oo iska dhaadhiciya inay u banaantay Asiga ama cid kaleba in laga bixi karo shareecada Nabi Muxammed scw) qofkaasi waa gaal.

العاشر : الإعراض عن دين الله تعالى ،

Midka tobanaad waa : ka jeedsiga qofka uu ka  jeedsado Diinka Allaah kor ahaayee,

لا يتعلمه ، ولا يعمل به،

oo uusan baranin Diinka , kuna camal falin Diinka,

والدليل قوله –تعالى-: (وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنْ ذُكِّرَ بِآياتِ رَبِّهِ

Daliilkana waa qawlkii Allaah kor ahaayee: { yaa ka dulmi badan (yaa ka gardaro badan) qof lagu xasuusiyay ( lagu waaniyay / wax loogu sheegay) Aayaatka Rabigiisa

ثُمَّ أَعْرَضَ عَنْهَا إِنَّا مِنَ الْمُجْرِمِينَ مُنْتَقِمُونَ{ .

ka dibna ka jeedsaday xageeda (Aayaatkii), Anaguna Mujrimiinta (Dambiilayaasha) waanu ka aarsaneenaa}.

ولا فرق في جميع هذه النواقض

Farqina uma dhaxeeyo (kala qaadid iyo kala saarid ma lahan) Buriyiyaashaani (wax yaabaha buriya Islaamka ee uu Sheekhu kor ku soo sheegay waxaana loo kala qaadeenin ama loo kala saareenin )

بين الهازل والجاد

qofka kaftamaaya (qofka si dheel dheel ah u sameeya ama ugu dhawaaqa Nawaaqida la soo sheegay) iyo qofka ay dhab ka tahay (u bareeray inuu ku dhaco arimahaasi)

والخائف إلا المكره

iyo qofka cabsaday (sedexdaasi xukunka isku si ayay u qaadanaayaan oo looma kala saaraayo miyuu kaftamaayay iyo dhab miyay ka ahayd iyo cabsi miyaa ogaysay) qofka la qasbay (la dirqiyay) mooyaanee (qofka la qasbay xaalkiisu waa gooni).

وكلها من أعظم ما يكون خطرا

Dhamaanteedana (Nawaaqidii la soo sheegay) waa waxyaabaha u khatarsan (gaalnimada loogu dhaco)

وأكثر ما يكون وقوعا

waana wax yaabaha u dhicid badan (wax yaabaha ugu badan ee ee dhaca ama gaalimada loogu dhaco)

فينبغي للمسلم أن يحذرها

waxaa u haboon (laga rabaa) qofka Muslimka ah inuu ka taxadiro (iska ilaaliyo / iska jiro arimahaasi gaalinimada keenaayo)

ويخاف منها على نفسه

ugana baqo (Nawaaqidaasi tobanka ah) Nafsadiisa

نعوذ بالله من موجبات غضبه وأليم عقابه ,

Allaah ayaan ka nabad galeenaa wax yaabaha waajibiya (ay ka dhalato/keena) Caradiisa (Rabi inuu caroodo) iyo ciqaabtiisa xanuunka badan (ee kulul),

وصلى الله على خير خلقه محمد وعلى آله وصحبه وسلم

Allaah ha amaano Uunkiisa midka ugu wanaaga badan Muxammed iyo Ahalkiisa iyo Asaxaabtiisa hana nabad yeelo.

  Walaalahayga aan Islaamka ku walaalawnayow Kitaabkii Nawaaqidul Islaam (waxyaabaha buriya Islaamka) meeshaani ayuu noogu dhamaaday, wixii aan haleelay sax iyo wanaag ah Allaah ayaa ii sakhiray, wixii aan dhinac maray oo aan khaldayna waxay ka timid Nafsadayda gaabiska badan, Camal kasta oo Rabi raali ka yahay oo aan sameenaynana mid aan Allaah Ridahiisa ku dalbeeno Allaah nooga dhigo, Culimadii aan ka faa'iideesanayna miisaankooda xasanaadka ah Allaah ha u saaro, intaasi ka dib wixii aan baranay ku camal falkooda ayaa ina hor yaalo hada iyo  wixii ka dambeeya iyo inaan Dadka gaarsiino iyo inaan ku sabirno wixii caqabado ah oo aynu kala kulano arimahaasi.

Waa walaalkiina aad Diinta ku walaalawdeen oo idinka dalbanaayo inaad Allaah uga baridaan Asiga iyo Ahalkiisa iyo Culimadii uu wax ka bartay iyo kuwa uu wax ka baran doonaba inuu waafajiyo Aduun iyo Aakhiro wuxuu Allaah raali ka yahay  Ayagana ay Raali ka yihiin.

Wixii su’aal, sixid ama suluugmo ah oo ku saabsan Kitaabkan fadlan ku soo hagaaji emailkan :  shaakir123@hotmail.com

والله أعلم ، وصلى الله على محمد وآله وصحبه وسلم

 

Aug 25 2011, 16:09 PM  |Qore: Sh.Maxamed Adam Ibrahim محمد أدم إبراهيم |   Email: info@saajidshow.net | 

Comments (0):

Add Your Comment

Live Video Duruus
kala Soco Live
Weynayso shaashada

Saajidshow youtube

Articles
10kii Saxabo janada…
Ummu Salama Iyo…
Masaa 39 ilul…
Qisadi ZamZam ka Iyo…
Siraadkii Geerida…
Dadkii Diinta Ugu soo…
Al-Qawacid Arbaca…
Bini aadmka iyo qaabka…
Kitaab…
Horudhac Sheekaooyinka…
Taariikhda Somaliya Iyo…
Uurdoox Mashruuca…
Reer Saalax iyo…
SOOMAALI-WAYN…
QORAALLADII QUMRAAN
SOOMAALI-WAYN…
Musaabaqo Siirada Nabiga…
Heerrarka Caqliyada…
Garaadso Intaadan…
Garaadso Intaadan…
Maymuunah bintul Xaarith…
Time is Life

May 2013
Jamadil Akhir -Rajab 1434
S M T W T F S
  1
20
2
21
3
22
4
23
5
24
6
25
7
26
8
27
9
28
10
29
11
1
12
2
13
3
14
4
15
5
16
6
17
7
18
8
19
9
20
10
21
11
22
12
23
13
24
14
25
15
26
16
27
17
28
18
29
19
30
20
31
21
 

Copyright©saajidshow.net