Today's Prayer Times
Country: United States
CitySeattle
Fajr02:04
Sunrise05:11
Dhuhr13:11
Asr17:26
Maghrib21:11
Isha23:56

Live Help/Live Chat
 
Halkan ka Baro Siirada Nabiga
 
Radio Saajid
 
khulaasa Nuuru yaqiin
 
Islamic Links

Daarulcilimi Halgan Hiiraan Live Ilwareed Islamway IslamWeb Masjid Al-Rahma AZ Naasix Peace Tv Qolka 77 Quran Kariim Warqaad
 
Newsletter



  

 

Mageceegu waa Maymuunah bintul Xaarith binu Xazmi binu Jubayr binul Hazmi binu Ruwaybah binu Cabdillaahi binu Hilaal .

Hooyadeed waa Hinda bintu Cawf binu Zuhayr binul Xaarith binu Xamaadah binu Xumayr …………………

 

 محب الدين الطبري: السمط الثمين ص189Faahfaahinta halkan ka fiiri >  

 

Maymuunah waa mid kamid ah gabdhihii uu rasuulku ku magacaabay ) walaalaha mu,minaatka ) 1- Ummul Fadli bintul Xaarith oo uu qabay Nabiga adeerkii Cabbaas 2- Asmaa bintu Cumays oo uu qabay Jacfar binu abii Daalib 3 – Salmaa bintu Cumays oo uu qabay Nabiga adeerkii Xamzata binu Cabdil Mudalib 4 – Maymuunah bintul Xaarith oo uu guursaday Nabigu S.C.W. ..

 

 العصامي: سمط النجوم العوالي 1/201Fiiri halkan >>

 

Afartan gabdhood ee kala aabahaa hooyadood oo lagu magacaabo Hinda bintu Cawf waxaa lagu tilmaama in ay tahay soddohda adduunka ugu nasiibka badan . afartii gabdhood ee ay dhashay dhammaantood waxaa ka guursaday dadkii ugu sharafta badnaa oo uu Nabigu S.C.W.  ugu horeeyo …..

 

Waxaa xusid mudan in ay maymuunah hore usoo guursatay laba nin . 1 – Mascuud binu Camr Athaqafi  oo guursaday wax  yar ka hor islaamka  kadibna ka geeriyooday

2- Abuu Raham binu Cabdil Cuzzaa isaguna wuxuu ka geeriyooday iyada oo wali dhalinyar ah …..

 

Maymuunah markii ay noqotay gabadh ninkeedii ka dhintay ( Agoon Odayeed ) waxay walaasheed Ummul Fadli oo uu qabay Nabiga adeerkii Cabbaas usheegtay rabitaankeeda iyo dareenkeeda hoose ee ah in ay rabto in ay Nabiga S.C.W.  xaas u noqoto . Ummul Fadli waxay u sheegtay arinkii Cabbaas si uu ugu gudbiyo Nabiga ..

 

Markii Nabiga S.C.W.  loo sheegay arinkaasna aad ayuu usoo dhaweeyay waxaana ku meheriyay adeerkii Cabbaas oo ay Maymuunah soo wakiilatay sanadkii 7 aad ee hijriyada bishii dilqacdah  ..Maymuunah  R.C. da,deedu markaa waxay ahayd 26 sano

 

Waxa lagu xasuustaa  Maymuunah R.C. in uu doonitaankeedu dhacay iyada oo saaran Ratigeeda dabadeedna ay tidhi Ratiga iyo waxa saaranba waxaan u hibeeyay oo iska leh rasuulka S.C.W. . arintaa darteed waxa uu Ilaahay soo dejiyay Aayaddan …

 

 {وَامْرَأَةً مُؤْمِنَةً إِنْ وَهَبَتْ نَفْسَهَا لِلنَّبِيِّ إِنْ أَرَادَ النَّبِيُّ أَنْ يَسْتَنْكِحَهَا خَالِصَةً لَكَ مِنْ دُونِ الْمُؤْمِنِينَ} 

 

 

Maymuunah R.C. fadligeeda waxaa inoogu filan in ay tahay xaaskii Nabiga S.C.W. . Khaalid ibnu Waliid iyo Cabdillaahi ibnu Cabbaasna ay habaryartood tahay …

 

 الذهبي: سير أعلام النبلاء 2/238Fiiri halkan >>>>>> 

 

Waxa kale oo la sheegaa in Maymuunah la odhan jiray Barrah laakiinse uu Nabigu u bixiyay Maymuunah ... waxay ahayd maymuunah mid qalbiga Nabiga S.C.W. aad ugu dhaw mararka qaarna ayba hal weel kuwada qubaysan jireen ( maydhan jireen )

 

محب الدين الطبري: السمط الثمين ص192Halkan ka daalaco >> 

 

Nabiga S.C.W. Maymuunah guurkeeda wuxuu ka helay faa,iido iyo guulwayn taasi oo ah in uu gacal la noqday ree banii Hilaal oo ah Maymuunah tolkeed. ..Nabigu S.C.W. wuxuu ku helay guurka Maymuunah  taageera badan iyo soo dhawayn wuxuuna uga faa,iidaystay in uu ku dhiiri galiyo in ay soo galaan diinta islaamka reer banii Hilaal .dhab ahaana way dhacday oo dhammaantood waxay soo galeen diinta islaamka ……..

 

 

 محمد فتحي مسعد: أمهات المؤمنين ص206Halkan ka daalaco >>>  

 

Maymuunah R.C. waxay Nabiga S.C.W.  ka warisay 11 xadiith oo 7 ka mid ah ku jiraan Bukhaari iyo Muslim .... mid kamid ah waxaa wariyay Bukhaari . 5 ta kalena Muslim…

Maymuunah R.C. waxay ahayd mid cabsida Alle ku caan ah qaraabadana xidhiidhisa sida ay u markhaati kacayso Caa,isha R.C….

 

Maymuunah waxay ahayd haweenaydii u dambaysay ee uu guursado Nabigu S.C.W. waxay ku geeriyootay halkii ay ku aroos gashay    oo ah meel u dhaxaysa Makka iyo Madiinah ( Basraf )  iyada oo da,deeda tahay 80 sano ammaba ay u raaceen dhawr sano .. sanadku markuu ahaa 51 dii hijriyada  ...

 

 

ابن سعد: الطبقات الكبرى 8/140.Halkan ka hubi >>>  

 

  

Cabdifataax Daahir Cige

Saylici23@hotmail.com

Jun 11 2012, 21:35 PM  |Qore:  |   Email: info@saajidshow.net | 

Comments (0):

Add Your Comment

Live Video Duruus
kala Soco Live
Weynayso shaashada

Saajidshow youtube

Articles
10kii Saxabo janada…
Ummu Salama Iyo…
Masaa 39 ilul…
Qisadi ZamZam ka Iyo…
Siraadkii Geerida…
Dadkii Diinta Ugu soo…
Al-Qawacid Arbaca…
Bini aadmka iyo qaabka…
Kitaab…
Horudhac Sheekaooyinka…
Taariikhda Somaliya Iyo…
Uurdoox Mashruuca…
Reer Saalax iyo…
SOOMAALI-WAYN…
QORAALLADII QUMRAAN
SOOMAALI-WAYN…
Musaabaqo Siirada Nabiga…
Heerrarka Caqliyada…
Garaadso Intaadan…
Garaadso Intaadan…
Maymuunah bintul Xaarith…
Time is Life

June 2013
Rajab -Sha'ban 1434
S M T W T F S
  1
22
2
23
3
24
4
25
5
26
6
27
7
28
8
29
9
30
10
1
11
2
12
3
13
4
14
5
15
6
16
7
17
8
18
9
19
10
20
11
21
12
22
13
23
14
24
15
25
16
26
17
27
18
28
19
29
20
30
21
 

Copyright©saajidshow.net