محمد أدم إبراهيم }شاكر{
Shaakir123@hotmail.com
قال الشيخ محمد بن عبد الوهاب رحمه الله تعالى:
Wuxuu yiri Sheekh Muxammed Ibnu C/wahaab Allaah koreeyee ha u naxariistee:
هذه أمور خالف فيها رسول الله صلى الله عليه وسلم ما عليه أهل الجاهلية الكتابيين والأميين،
Tani ( waxa kitaabkaan uu ka hadlaayo) waa arimo uu Rasuulka scw ku khilaafay (kaga hor yimid, uu ku diiday) wixii ay ku dul sugnaayeen Ahlul jaahiligii Ahlu kitaabka ahaa ( waa yahuud iyo Nasaara) iyo Umiyiintii ( waa Mushrikiintii Carbeed),
مما لا غنى للمسلم عن معرفتها.
waana wax uusan ka kaaftoomin qofka Muslimka ah garashadeeda (inuu garto arinmahaani uu Rasuulka scw inkiray ee Jaahihiliga ahaa).
فالضد يظهر حسنه الضد وبضدها تتبين الأشياءُ
Lidka (wax wax ka soo hor jeedo) waxaa muujiyo Quruxdiisa Lidka (kale) (wixii ka soo hor jeeda oo kale) (qof dheer wuxu dhererkiisa aad u muuqanayaa markuu qof gaaban la socdo, ama qofka fiican waxay fiicnaantiisa aad kuugu muuqanaysaa markaad qof xun aad aragto) ----- waxyaabahana waxay ku cadaadaan wixii ka soo hor jeedo.
فأهم ما فيها وأشدها خطراً
Waxa ugu muhiimsan ee arinkaasi ( jaahiliga) ku jira uguna khatarnimo daran waa
عدم إيمان القلب بما جاء به الرسول صلى الله عليه وسلم،
Qalbiga uu rumayn waayo wuxuu la yimid Rasuulka Sallallaahu calayhi wasallam,
فإن انضاف إلى ذلك استحسان ما عليه أهل الجاهلية تمت الخسارة
hadii uu ku darmo arinkaasi (oo rumaynta la,aanta ah) wanaag u arkid waxa ay ku sugan yihiin Jaahiliinta Khasaaradii way dhamaystirmatay (oo khasaaro ma dhinno hadii wixii uu Rasuulka scw la yimid la rumayn waayo wanaagna loo arko waxa ay Jaahiliinta ku sugan yihiin)
كما قال تعالى: {والذين ءامنوا بالباطل وكفروا بالله أولئك هم الخاسرون}.
siduu yiri Allaah koreeyee : { kuwa remeeyay Baadilka kuna kufriyay Allaah kuwaasi waa kuwa khasaaray}
[1] : أنهم يتعبدون بإشراك الصالحين في دعاء الله وعبادته،
1: (mas,alada koowaad ee uu Nabiga scw ku khilaafay kuwaasi waxay ahayd) ayaga (waa jaahilayada) waxay (Allaah) ku caabudaan ayagoo kula wadaajinaayo Saalixiinta baryada Allaah iyo Cibaadadiisaba,
يريدون شفاعتهم عند الله،
(waxayna sidaasi u yeelayeen) ayagoo rabaan inay Saalixiinta uga ergo noqdaan Allaah agtiisa,
لظنهم أن الله يحب ذلك وأن الصالحين يحبونه،
(waxayna sidaasi u sii yeelayaan) maladooda ay u maleenayaan darteeda in Allaah uu jecelyahay arinkaasi (aysameenayaan) iyo in Saalixiinta ay jecelyihiin arinkaasi,
كما قال تعالى: {ويعبدون من دون الله ما لا يضرهم
siduu Allaah koreeyee yiri:{ waxay caabudayaan (Mushrikiinta) Allaah sukadiisa wax aan dhibaynin (haday iska dhaafaan)
ولا ينفعهم ويقولون هؤلآء شفعآؤنا عند الله}
waxna aan u taraynin(haday sameeyaan) waxayna leeyihiin kuwaani waa kuwa nooga ergo noqonayaan Allaah agtiisa}
وقال تعالى: {والذين اتخذوا من دونه أولياء
Allaah koreeyee wuxuu yiri:{kuwa sameestay Allaah sukadiisa Awliyo
مانعبدهم إلا ليقربونآ إلى الله زلفى}
(waxay leeyihiin) uma caabudayno kuwaani waxaan ka ahayn inay noo dhaweeyaan Allaah u dhawaansho}.
وهذه أعظم مسألة خالفهم فيها رسول الله صلى الله عليه وسلم،
Tanina (waxay ay mushrikiinta sameenayaan) waa mas,alada ugu wayn ee uu ku khilaafay Rasuulka scw Mushrikiinta,
فأتى بالإخلاض،
wuxuu la yimid (Nabiga scw) Ikhlaas (Diinka oo Allaah loo barax tiro) ,
وأخبر أنه دين الله الذي أرسل به جميع الرسل،
wuxuuna sheegay in Ikhlaasku yahay Diinkii Allaah uu ula soo diray Rususha oo dhan,
وأنه لا يُقبل من الأعمال إلا الخالص،
iyo inaan la aqbalaynin Acmaasha Ikhlaas maahanee,
وأخبر إن من فعل ما استحسنوا فقد حَرم الله عليه الجنة ومأواه النار.
wuxuuna sheegay in qofkii sameeya waxay wanaajisteen (oo ay ayaga wanaag u arkayaan) in xaqiiqdii uu Allaah ka xarimay Jannada hooygiisana uu ka dhigay Naarta.
وهذه هي المسألة التي تَفرق الناس لأجلها بين مسلم وكافر،
Tanina waa mas,alada darteeda ay ku kala tageen Dadka ayna ku kala noqdeen Muslim iyo Gaal,
وعندها وقعت العداوة،
waana mida ay agteeda ay ka dhacday cadaawada (waxa lagu kala coloobay waa arinkaan),
ولأجلها شرع الله الجهاد كما قال تعالى:
darteeda ayuuna Allaah u jideeyey Jihaadka siduu Allaah yiri:
{وقاتلوهم حتى لا تكون فتنة ويكون الدين كله لله}.
{ la dirira Gaalada ilaa laga waayo Fitno (Shirki) Diinkana u ahaado (u saafi garoobo) dhamaantiisa Allaah}.
[2] : أنهم متفرقون في دينهم،
Jaahiliyada waxay ahaayeen kuwo ku kala tagsan Diinkooda, siduu Allaah koreeyee yiri:
كما قال تعالى: {كل حزب بما لديهم فرحون}،
{ kooxkasata waxay haystaan ayay ku farax san yihiin},
وكذلك في دنياهم
sidaasoo kalena (way ku kala tagsanaayeen arimaha) Aduunyadooda,
ويرون أن ذلك هو الصواب،
waxayna u arkaayeen in arinkaasi (kala taga ah) uu Sawaabka yahay,
فأتى بالاجتماع في الدين بقوله:
wuxuuna la yimid (Rasuulka scw) in lagu midoobo Diinka (Islaamka) waxa uuna kula yimid Qawlkii Allaah:
{شرع لكم من الدين ما وصى به نوحا
{(Allaah) wuxuu idinkaga jideeyey Diinka wixii uu kula dar-daarmay Nuux (cs)
والذي أوحينا إليك وما وصينا به إبراهيم وموسى وعيسى
iyo wixii aan kuu waxyoonay (Adiga Rasuulka ah scw) iyo wixii aan u dar-daarannay Ibraahiim iyo Muusa iyo Ciise cs (dar-daarankaasi oo ahaa)
أن أقيموا الدين ولا تتفرقوا فيه}،
in aad oogtaan Diinka aydaana ku kala tagina Diinka dhexdiisa}
وقال تعالى {إن الذين فرقوا دينهم وكانوا شيعا لست منهم في شئ}،
waxaana uu yiri Allaah koreeyee: { kuwa kala geeyey Diinkooda ahaadayna kooxo kooxo waxba ugama mid tihid (meelna kama soo gashid ayagana meelna kaama soo galaan waxba isuma ihidiin)},
ونهانا عن مشابهتهم بقوله:
wuxuuna Allaah inooga reebay Qawlkiisa u ekaanshiyaha (isu ekeen siinta) kuwaasi:
{ولا تكونوا كالذين تفرقوا واختلفوا من بعد ما جآءهم البينات}،
{hana ahaanina kuwii kala tegay oo kale isna khilaafay ka dib markuu u yimid Aayaatkii cad cadaa},
ونهانا عن التفرق في الدنيا بقوله: {واعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا}.
wuxuuna nooga reebay (Allaah) kala taga Aduunyada dhex deeda ( qabsada Xariga Allaah dhamaan (tiina) hana kala tegina)
[3] : أن مخالفة ولي الأمر
3: (Mas,alada 3aad uu Nabiga scw ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd in ay u arkayeen): in la khilaafo oo laga hor imaado waliyul amriga (qofka madaxda ah)
وعدم الانقياد له فضيلة،
iyo in loo hogaansami waayo ay tahay Fadiila (wax wanaag dheeraad ah leh),
والسمع والطاعة له ذل ومهانة،
maqlidana (waliyul amriga war kiisa la maqlo) iyo Adeecida (amarkiisa la adeeco waxay u arkaayeen) Duli iyo ihaano (liidnaan ayay u arkayeen),
فخالفهم رسول الله صلى الله عليه وسلم وأمر بالصبر على جور الولاة،
wuuna ku khilaafay Rasuulka scw Jaahiliyadaasi wuxuuna amray in lagu sabro Tagri falka Madaxda,
وأمر بالسمع والطاعة لهم والنصيحة،
wuxuuna amray Maqlid iyo Adeecid Madaxda loo sameeyo (waa wixii Macruuf ah) iyo in loo naseexeeyo (markii ay qaldamaan qaldamaan),
وغلظ في ذلك وأبدى فيه وأعاد.
wuuna adkeeyay Rasuulka scw arinkaasi wuuna muujiyey wuuna ku cel celiyey.
وهذه الثلاث هي التي جمع بينها فيما صح عنه في الصحيح أنه قال:
Sedexdaanina waa mida uu (Rasuulka scw ) ku aruuriyay wixii uga ansaxay Saxiixa oo ah inuu yiri (Nabiga scw):
"إن الله يرضى لكم ثلاثاً أن تعبدوه ولا تشركوا به شيئاً،
Allaah wuxuu raali idinkaga noqonayaa sedex (arimood) oo ah inaad caabudaan Allaah aydaana u shariik yeelina Allaah waxba,
وأن تعتصموا بحبل الله جميعاً ولا تفرقوا،
iyo inaad qabsataan Xariga Allaah dhamaan (kala harid la,aan) oo aydaan kala tagina,
وأن تناصحوا من ولاه الله أمركم" (أخرجه مسلم).
iyo inaad u naseexaysaan Dadkuu Allaah arinkiina u dhiibay (Madaxdiina)" xadiithka waxaa soo saaray Muslim.
ولم يقع خلل في دين الناس ودنياهم إلا بسبب الإخلال بهذه الثلاث أو بعضها.
Mana ku dhicin hoos u dhac Dadka Diinkooda iyo Aduunyadoodaba illaa waxaa sabab u ah hoos u dhac ku yimaada sedexdaan arimood ama wax ka mid ah.
[4] : أن دينهم مبني على أصول أعظمها التقليد،
4:(mas,alada 4aad uu Rasuulka scw ku khilaafay Jaahiliyada waxay ahayd) in Jaahiliyada Diinkooda uu ku dhisnaa Usuul ay ugu waynayd Taqliid (Ab-kasoo gaar wax ay aabayaashooda ka soo gaareen),
فهو القاعدة الكبرى لجميع الكفار أولهم وآخرهم،
Taqliidkuna uu yahay Qaacidada ugu wayn ay Gaalada dhamaantooda ay leeyihiin koodii ugu horeeyey iyo koodii ugu dambeeyey,
كما قال تعالى: {وكذلك مآ أرسلنا من قبلك في قرية من نذير
siduu Allaah u yiri:{ sidaasoo kalena uma aanan dirin hortaada Magaalo Mid u diga
إلا قال مترفوهآ إنا وجدنا ءاباءنا على أمة
illaa waxay dhahaayeen kuwaada loo nimceeyey anaga waxaan ka helnay (ka soo gaarnay) Aabayaasheena Diin ay ku dul sugnaayeen
وإنا على ءاثرهم مقتدون}
anagana waxaan nahnay kuwo raadkooda ku dayanaayo (oo aan meelna uga leexanaynin)},
وقال تعالى: {وإذا قيل لهم اتبعوا ما أنزل الله
wuxuuna yiri Allaah: ( markii lagu dhaho (Mushrikiintaa Gaalada ahayd) raaca wuxuu Allaah soo dejiyay,
قالوا بل نتبع ما وجدنا عليه ءابآءنآ
waxay dhihi jireen bal waxaan raacaynaa wixii aan ka helnay (aan ka soo gaarnay) Aabayaasheena ayagoo ku dul sugan
أولو كان الشيطان يدعوهم إلى عذاب السعير}،
{Allaahna wuxuu yiri miyay iska raacayaan) hadii uu Shaydaanku ugu yeeraayay Aabayaashooda Cadaabka (Naarta) Saciiro},
فأتاهم بقوله:
Nabigana scw wuxuu ula yimid Jaahiliyada Qawlkii Allaah:
{قل إنمآ أعظكم بواحدة
{waxaad dhehdaa (Nebiyow) waxaan idinku waaninayaa hal arin oo keliya (taasoo ah)
أن تقوموا لله مثنى وفرادى ثم تتفكروا
inaad isu taagtaan (u jihaysataan) Allaah adinkoo laba laba ah iyo adinkoo keli keli ah ka dibna aad fikirtaan
ما بصاحبكم من جنة}،
inaanu ahaanin Saaxiibkiin (Nabi Muxammed scw) min waali ku sugan}
وقوله: {اتبعوا مآ انزل إليكم من ربكم
iyo Qawlkii Allaah ayuu ula yimid: { raaca waxa la idinkaga soo dejiyay xaga Rabigiina,
ولا تتبعوا من دونه أولياء قليلا ما تذكرون}.
hana raacina Allaah sukadiisa Awliyo yaraa, inta aad waan samaysaan}.
[5] : أن من أكبر قواعدهم الاغترار بالأكثر،
5: (mas,alada 5aad uu Rasuulka scw ku khilaafay Jaahiliyada waxay ahayd) in Qawaacida Jaahiliyada (ay wax ku miizaamaan) kuwooda ugu waawayn ay ka mid ahayd ku kad soomida ay ku kadsoomeen Badnaashiyaha (meesha ay Dadka u badan yihiin),
ويحتجون به على صحة الشئ،
waxayna u xujaystaan Badnaashiyaha saxiixnimada shayga,
ويستدلون على بطلان الشئ بغربته وقلة أهله،
waxayna u daliishtaan Baadilnimada shayga hadba siday Dadka u ghariib sadaan (ula yaaban yihiin) waxaasi iyo sida ay u yar yihiin Dadka shaygaasi taageersan,
فأتاهم بضد ذلك وأوضحه في غير موضغ من القرآن.
wuxuuna ula yimid Rasuulka scw wax ka soo hor jeeda arinkaasi (miisaanka ay wax ku kala saarayeen) wuxuuna ugu cadeeyey meel wax ka badan oo Qur,aanka ka mid ah.
[6] : الاحتجاج بالمتقدمين كقوله:
6: (mas,alada 6aad uu Rasuulka scw ku khilaafay Jaahiliyada waxay ahayd) xujo ka dhigashada ay xujo ka dhiganaayeen Dadkii hore sida uu cadeeyey Qawlkii Allaah:
{قال فما بال القرون الأولى}،
{ wuxuu yiri (Fircoon Dadkii) Qarniyadii hore xaalkooda muxuu ahaa (oo miyay qaldanaayeen),
{ما سمعنا بهذا فى ءابآءنا الأولين}.
{ kama aanan maqlin arinkaan (aad noola timid) Aabayaasheenii hore}.
[7] : الاستدلال بقوم أعطوا قوى في الأفهام والأعمال،
7: (mas,alada 7aad uu Rasuulka scw ku khilaafay Jaahiliyada waxay ahayd): Daliilsasho ay daliil sanaayeen Umad la siiyay Awood xaga Fahamka ah iyo Shaqada,
وفي الملك والمال والجاه،
iyo Boqortooyada iyo Maalka iyo Jaaha (Maamuuska),
فرد الله ذلك بقوله:
Allaahna wuxuu ku radiyay arinkaasi (Daliishigoodaasi) Qawlkiisa:
{ولقد مكانهم فيمآ إن مكناهم فيه}،
{ Xaqiiqdii waxaan makaninnay (u suura gelinay, siinay Reer Caad) wax aanan idin makaninnin (aanan idin suuragelinin, aanan idin siinin)},
وقوله: {وكانوا من قبل يستفتحون على الذين كفروا
iyo Qawlkiisa ayuu ku radiyay Allaah ( waxayna hore u ahaayeen ( Yahuuda inta aan Nabiga scw la soo dirin kuwo ka rajeeya soo bixintaanka Nabi Muxammed scw) inay kaga gar gaarsadaan kuwii gaaloobay,
فلما جاءهم ما عرفوا كفروا به}،
markuuse u yimid (Yahuudii) way ku gaalboobeen Nabiga ),
وقوله: {يعرفونه كما يعرفون أبناءهم}.
iyo Qawlkiisa ayuu ku radiyay Allaah: { waxay Nabiga u garanayeen (Yahuuda) siday wiilashooda u garanayeen).
[8] : الاستدلال على بطلان الشئ بأنه لم يتبعه إلا الضعفاء،
8: (mas,alada 8aad uu Rasuulka scw ku khilaafay Jaahiliyada waxay ahayd): Daliilsiga ay u daliil sanayeen baadilnimada shayga, inaysan raacin shaygaasi kawa Ducafada (taagta daran maahanee) ,
كقوله: {أنؤمن لك واتبعك الأرذلون}،
siduu allaah Qawlkiisa ku sheegay ( waxay dhaheen Qawmu Nuux) { ma waxaanu ku rumaynaynaa Adigooy ku raaceen kuwa Dulaysan ( ee liita waa siday yiraahdeenee )
وقوله: {أهؤلآء من الله عليهم من بيننآ}،
iyo Qawlka Allaah { ma kuwaanuu Allaah ku manaystay (ku galadaystay Islaamka) dhexdeena },
فرده الله بقوله: {أليس الله بأعلم بالشاكرين}.
Allaah se wuu ku radiyay Qawlkiisa:{ miyuusan Allaah ahayn Mid ku ogaal badan Kuwa mahadiya} (Haa waaye Jawaabta)
[9] : الاقتداء بفسقة العلماء والعباد
9: (mas,alada 9aad uu Rasuulka scw ku khilaafay Jaahiliyada waxay ahayd): ku dayasho ay ku dayanayeen Culimada Faasiqiinta ah iyo Cubbaada Faasiqiinta ah (kuwa cibaadadooda aan Daliilka iyo Diinta ku dhisnayn),
فأتى بقوله: {يا أيها الذين ءامنوا إن كثيرا من الأحبار والرهبان
wuxuuna la yimid (Rasuulka scw)Qawlkii Allaah: { kuwa Xaqa rumeeyow in badan oo ka mid ah Axbaarta ( Culimada Yahuuda) iyo Rubhaanta (Culimada Nasaarada)
ليأكلون أموال الناس بالباطل ويصدون عن سبيل الله}،
waxay ku cunaan Xoolaha Dadka si Baadil ah waxayna ka celiyaan (Dadka) Wadada Allaah (Xaqa)},
وبقوله: {لا تغلوا في دينكم غير الحق
iyo Qawlkii Allaah { ha ku xad gudbina Diinkiina Xaq waxaan ahayn (wax aan ka mid ahayn ha ku soo darina)
ولا تتبعوا أهوآء قوم قد ضلوا من قبل وأضلوا كثيرا وضلوا عن سواء السبيل}.
hana raacina Umad hore u dhuntay hawadooda, in badanna dhumiyay (sabab u noqotay) ayagana ka dhumay Wadadii sinnayd (toosnayd)}.
[10] : الاستدلال على بطلان الدين بقلة أفهام أهله وعدم حفظهم كقولهم {بادي الرأي}.
10: (mas,alada 10 aad uu Rasuulka scw ku khilaafay Jaahiliyada waxay ahayd): Daliisashada ay Diinka inay Baadil ku sheegaan u daliishanayeen faham yarida Diinka Dadkiisa iyo inaysan Xifdigooda uusan jirin sida hadalkooda ahaa { kuwa ku deg dega ra,yiga (oo aan ra,yi fiican lahayn (waa siday ayaga yihiin }.
[11] : الاستدلال بالقياس الفاسد كقولهم: {إن أنتم إلا بشر مثلنا}.
11: (mas,alada 11 aad uu Rasuulka scw ku khilaafay Jaahiliyada waxay ahayd):Daliisashada ay Qayaaska faasidka ah daliishanayeen sida hadalkoodii ahaa{ ma tihidiin Dad anagoo kale ah mooyaanee).
[12] : إنكار القياس الصحيح،
12: (mas,alada 12 aad uu Rasuulka scw ku khilaafay Jaahiliyada waxay ahayd): inkirida ay Qiyaaska saxiixa ah inkireen,
والجامع لهذا وما قبله
kan (inkirida qiyaaska saxiixa ah) iyo wixii ka horeeyey (daliilsiga qiyaaska faasidka ah) waxa kulminaayo (oo sabab ugu ah inay 2 daasi isku darsadaan wuxuu yahay)
عدم فهم الجامع والفارق.
fahmid la ,aanta ka haysatay waxa wax kulimiya iyo waxa wax kala saara (garasho la,aantaasi ayaa ugu wacan).
[13] : الغلو في العلماء الصالحين،
13: (mas,alada 13 aad uu Rasuulka scw ku khilaafay Jaahiliyada waxay ahayd): ku talax tageida ay Culimada wan wanaagsan ay ku talax tageen,
كقوله: {يا أهل الكتاب لا تغلوا في دينكم
sida Qawlkii Allaah ku xusan: { Kitaabka Dadkiisiyoow ha ku talax tegina (ha ku xad gudbina) Diinkiina,
ولا تقولوا على الله إلا الحق}.
hana ka dhihina Allaah waxaan Xaq ahayn}.
[14] : أن كل ما تقدم مبني على قاعدة وهي النفي والإثبات،
14: wixii soo hor maray oo dhan waxay ku dul dhisan yihiin Qaacido ah Nafyi (Diidmo) iyo Ithbaat (sugid),
فيتبعون الهوى والظن ويُعرضون عما جاءت به الرسل.
ayagana waxay raacayaan Hawo iyo Malo waxayna ka jeesanayaan waxay Rususha la i maadeen.
[15] : اعتذارهم عن اتباع ما آتاهم الله بعدم الفهم
15: ka cudur daarashadoodii ay ka cudur daarteen wuxuu Allaah u keenay ayna ugu cudur daateen fahmid la,aan,
كقولهم: {قلوبنا غلف}،
sida hadalkoodii ay dhaheen{ Quluubteena way xiran tahay},
{يا شعيب ما نفقه كثيراً مما تقول}،
{ Shucayboow wax badan ma ka fahmeeno waxaad leedahay},.
فأكذبهم الله وبين أن ذلك بسبب الطبع على قلوبهم، وأن الطبع بسبب كفرهم.
Allaah been ayuu ku sheegay warkooda wuxuuna cadeeyey in sababka arinkaasi uu yahay Daboolid uu Allaah daboolay Quluubtooda, daboolidaasina ay tahay sababta gaalnimadooda.
[16] : اعتياضهم عما أتاهم من الله بكتب السحر، كما ذكر الله ذلك في قوله:
16: mas,alada 16aad waa: ku badelashadoodii ay ku badeshteen wuxuu Allaah siiyay kutubta Sixirka, siduu Allaah ku sheegay arinkaas Qawlkiisa dhexdiisa:
{ولما جاءهم رسول من عند الله مصدق لما معهم
{ markuu u yimid Rasuul laga soo diray Allaah agtiisa (Rasuulkaasoo) rumaysan waxa agtooda yaala (Tawreed)
نبذ فريق من الذين أوتوا الكتاب كتاب الله ورآء ظهورهم كأنهم لا يعلمون (*)
ayaa koox ka mid ah kuwa Kitaabka la siiyay waxay ka tuureen Kitaabkii Allaah dhabaradooda gadaashooda sidii ayagoonba aqoonin*
واتبعوا ما تتلوا الشياطين على ملك سليمان
Sep 21 2011, 23:28 PM
|Qore: Maxamed adam Ibrahim, محمد أدم إبراهيم شاكر |
Email: info@saajidshow.net |